Bayern Munich oo keentay qorshe ay iskaga direyso daafaceeda Jerome Boateng.

Kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich ayaa diyaarisay qorshe cusub oo u suurogalinaya inay iska dirto suuqa xaggaagan daafaceeda Jerome Boateng.

Waxana muuqata in  29 jirkaan dhaawaca badan ayeey qaati ka taagan tahay Bayern Munich, waxaana haatan aad u doon doonaya kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain (PSG).

Wargayska Kicker ayaa baahiyay in Bayern Munich ay go’aamisay inay yarayso qiimaha suuqa ee Jerome Boateng si ay u hesho koox la wareegta.

Bayern Munich ayaa markii hore ku doonaysay Jerome Boateng lacag dhan 50 milyan oo euro, laakiin haatan waxay ku doonayaan lacag u dhexeysa 40 ilaa 30 milyan oo euro.

Koxda kubadda cagta ee  Paris Saint-Germain (PSG)  ayaa xiriir joogto ah la samaysa Jerome Boateng si ay ula wareegto suuqa xaggaagan oo ay mudo un ka harsan tahyay.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments