Baabasiirka oo xal loo helay & Cuntada u roon ee loo cuno! (Akhriso)

Baabasiirku waa xanuun ku badan bulshada inkastoo laga aamisan yahay qaldaad badan sida waxa uu yahay? waxa keeno? astaamaha lagu garto? sida loo baaro? iyo sida loo daaweeyo intaba?
Waa maxay cunnada u roon baabasiirka?
Waa cunno loo adeegsan karo ka hortag iyo daawayn baabasiir intaba.
Qamadiga: wuxuu ka mid yahay cunnooyinka leh buunsahda uu saxarada badiyo, kadibna u sahlo in si fudud ku soo baxdo isagoo ka shaqaysiiyo murqaha mindhicirrada.
Sisinta: waxay saxarada u sahashaa in si aan juhdi ku jirin u soo baxdo, iyadoo qofka uusan jiirin, maxaayeelay jiirashada iyo baabasiirku way isku daran yihiin.
Qudaarta iyo fruutka: cunnadaan laguma tiriyo kuwa keeno saxaro adaygga iyo calool fadhiga, isla markiina wuxuu qofka ka faa’idayaa fitamiino iyo macdano leh nafaqo, waxaa ka mid ah oo aad heli kartaa liin oranjada, cinabka, muuska, tuffaaxa, liin bambeelmada, cambaha, babayga, koostada, kabajka, bagalka, ansalaatada iyo cagaarka kalba.
Saliida dabiiciga ah: sida saliid saytuunka, saliid macsarada, saliid gabaldayaha, saliida avocadaha, saliida kalluunka intaba markii cunnada lagu darsado, waxay caawiyaan in baabasiirku uusan ka sii darin, calooshane si dhibaato lahayn ku naadiifsanto,
Cabitaanka biyaha: waa ahmiyadda 1-aad in aad heshaa biyo jirkaaga ku filan si aysan saxaradaadu u qallalin, waana dhibka ugu wayn ee soomaalida heesto, qofkasta oo baabasiir ka sheegto, biyo cabitaankiisu wuu yar yahay,

Waa maxay cunnada u daran baabasiirka?
Rootiga burka ka samaysan iyo cunnooyinka la xiriiro sida buskutka, doolshada, bur saliidka iyo canjeerada bur cadka ka samaysan, intaba waa la isku waafaqsan yahay inay calooshu adkeeyaan
Hilibka badan: haddii aad siyaado u cunto hilibka waxaa halis ugu jirtaa calool fadhi, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in aad ku cuntid saliid macsaro ama saliid zaytuun si aad uga fogaato calool fadhiga.
Caanaha fadhiga ah: dad badan way ka sheegtaan inuu calool fadhi u keeno, khaasatan caruurta yaryar, waxaa la mid ah jubnada ama cheese-ka adag iyo caanaha lo’da, caanaha suusaca ah way u fiican yihiin iyaga baabasiirka.
Oonka badan: biyo cabitaan yarida waa dhibaato baabasiirka u daran,

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments