Xubno Ka Tirsan Ururka ONLF oo Lagu Qabtay Soomaaliya

Jabhadda ONLF ayaa gaashaanka ku dhuftay warar kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay ku sheegeen inay qabteen xubno ka tirsan ururkaasi, oo ku sugnaa gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Sabtidii ayuu Taliyaha ciidamada maamulka Galmudug ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud Cabdi Muuse wuxuu saxaafadda u sheegay inay qabteen 10 qof oo ka tirsan jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dalka Itoobiya.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kasoo carareen dalka Ethiopia, islamarkaana ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen magaalada Balanbale, isaga oo intaas u daray in loo gudbin doono magaalada Dhuusomareeb.

Si kastaba, ONLF oo arrintan uga jawaabtay qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ayaa sheegtay in warka kasoo baxay Galmudug uu yahay mid been abuur ah, oo aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan jirin xubno ka mid ah ururka oo lagu qabtay meel ka mid ah Soomaaliya.

Xog ay heshay aan helnay ayaa sheegeysa in ay jiraan rag hubeysnaa oo Galmudug ay qabteen, balse waxaan caddeyn in raggaasi ay ka mid yihiin ONLF iyo in kale.

Bishii August ee sanaddii la soo dhaafay ayaa Galmudug waxay qabatay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah ONLF, kaasi oo Xamar oo loo soo wareejiyey, kadibna loo sii gacan geliyey dowladda Ethiopia. Qalbi-Dhagax ayaa kadib lasii daayey bishii June ee la soo dhaafay.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments