Muxu Messi Kaga Hor Yimid Saxiixa Arturo Vidal Ee Barcelona???

Barcelona ayaa aad ugu dhaw dhamaystirka saxiixa laacibka Bayern Munich iyo xulka Chile ee Arturo Vidal.

Laakiin durba waxaa saxiixa laacibka reer Chile ka hor yimid hogaamiyaha Barcelona ee Lionel Messi sida ay baahisay Don Balon.

Arturo Vidal ayaa ah 31 jir, Lionel Messi ayaana ka soo hor jeeda in kooxdu ay la soo saxiixato laacib da’diisu ay dhaaftay 30-sano.

Messi ayaa ka codsaday maamulka Barcelona saxiixa laacibka Ajax ee Frenkie de Jong, laakiin kooxda ayaa ku guul daraysatay inay la wareegto 21 jirkaan suuqa xaggaagan.

Luis Suarez oo isna fikirkaas la qabay Messi ayaa haatan garawsaday inay sax tahay tilaabada ay qaadayso kooxdiisa.

Image result for Vidal Messi

Barcelona ayaan u joojin doonin markaan Messi, kooxda ayaana dhamaystiraysa saxiixa Vidal iyaga oo balan qaaday in Frenkie de Jong ay la soo wareegayaan xaggaaga 2019.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments