Maxaad Ka Ogtahay Haweenka ciyaaraya K/Cagta Garoomada Xaafadaha Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa Shalay gelinkii dambe waxaa lagu qabtay garoonka Qoob-dooro oo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ciyaar kubada cagta ah oo ay wada ciyaarayeen labo dumar ah .Fiirsashada ama Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dhalinyaro rag u badan oo ka ka yimid xaafadaha degmada degmada Kaaraan iyo nawaaxigeeda, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa daawanayey cayaarta.Iyadoo Gabdhaha Soomaalida ayaa lagu ogaa iney ka qeyb qaataan ciyaaraha kubada koleyga, kubada gacanta, Ciyaaraha fudud, kubada laliska iyo kuwo kale, waxaana wax cusub noqotay in haween kubada cagta ku ciyaaraan garoon xaafadeed bacaad ah.

Inkastoo ay jiraan dad arintan soo dhoweeyey haddana inta badan qeybaha bulshada ayaan jecleysan in dumarku ay ka qeyb qaataan Ciyaaraha Kubada cagta ee lagu qabto xaafadaha degmooyinka oo inta badan looga bartay dhalinyarada wiilasha ah in ay cayaaraan.”Caqligu ha shaqeeyo, Soomaaliya waa dal Islaam ah mana haboona in Diinta lagu tunto, dhacdadii shalay wax damiirka islaamnimo uu aqbali karo, Haddii la jecel yahay in gabdhaha la taageero si kale ha loo gacan qabto, Waxbarasho hala siiyo, Ganacsi ha loo furo, Shaqo ha loo raadiyo, Diinta & Dhaqanka ha lagu Barbaariyo” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Muqdisho.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments