Lucas Torreira Oo U duulayo London

Cayaaryahanka  khadka dhexe ee xulka qaranka Uruguay, Lucas Torreira ayaa aamusnaanta ka baxay waxaana uu xaqiijiyey inuu ku biirayo kooxda Arsenal, kaddib markii uu diiday inuu nasiino la qaato xiddigaha xulkiisa, waxaana uu u soo duulay Magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu tijaabada caafimaad ugu maro Gunners.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ogolaatay inay 26.4 milyan oo gini uga soo qaadato Torreira kooxda Sampdoria wax yar ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka 2018, inkastoo uu diiday inuu tijaabada caafimaad dalka Ruushka ugu maro kooxda reer England isagoo sheegay inuu diiradda saarayo tartanka ayaa hadda markii xulkiisa Uruguay uu xulka France ku soo reebay siddeed dhammaadka tartankan, waxa uu Torreira diyaar u yahay inuu dhammaystiro u dhaqaaqitaankiisa kooxda ka dhisan Waqooyiga London.  22sano jirkaan u soo duulay Magaalada London si uu u dhammaystiro heshiiska uu ugu biiro Gunners, isla markaana tijaabada caadimaad maro ka hor inta uusan heshiiskiisa cusub qalinka ku duugin.

Isagoo saxaafadda kula hadlayey garoonka diyaarahada markaasoo uu shalay oo Axad ahayd u soo duulayey dalka England, Torreira ayaa raali gelin ka bixiyey in uusan ku laabanaynin dalkiisa Uruguay, isla markaana uusan nasiino la qaadanaynin xiddigaha xulkiisa, laakiin waxa uu qirtay inaan la qarinkarin inuu dhammaystirayo u dhaqaaqitaankiisa Arsenal.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments