Messi Iyo Suarez oo Tababare Valverde u Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Ousmane Dembele

Cayaaryahanada kooxda Barcelona ee kala ah Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa dacwad ka dhan ah Ousmane Dembele u gudbiyay tababare Valverde.

Express ayaa daaha ka qaaday in weerar yahanada Barcelona aysan la dhacsanayn qaab ciyaareedka laacibka reer France ee xiliciyaareedkii hore, waxayna dalbadeen laacib orod badan oo ka ciyaari kara garabka midig.

Image result for Messi Suarez Dembele Valverde

 

Waxayna waydiisteen in la keeno laacib orod badan, oo ganbis badan isla markaana awooda inuu kubadda la soo galo qadka dhexe si ay uga faa’idaystaan, laacibkaas ayaana loo arkaa inuu yahay Willian.

Barcelona oo fulinaysa dalabka Messi iyo Suarez ayaa 50 milyan oo Ginni ku dalbatay Willian, balse waa laga soo diiday, waxaana suurogal ah in kooxdu ay markale ku celiso dalab kale maadaama laacibku uu ka soo haray koobka adduunka.

 

Facebook Comments