Kooxaha Brazil iyo England oo loo saadaaliyay finalka Koobka Aduunka 2018

Lothar Matthaus, ayaa wuxuu ka warbixiyay rajadiisa ku aadan labada xul qaran uu u arko in ay isugu soo hari doonaan finalka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

“Waxaan qabaa in xulka Brazil ay wajihi doonto xulka qaranka England finalka Koobka Aduunka 2018”.

“England waxay heystaan xidigo aad ay tayadooda u wanaagsan tahay, xawaaraha, iyo sidoo kale iyo weeraryahanka cajiibka ah ee Harry Kane”.

“Kalsoonida ay ku qabaan awoodooda waxay u muuqataa inay tahay mid aad u weyn, xulka saddexda libaax ma yaqaaniin wax cabsi ah, sidoo kale waxay ka faa’iideysanayaan tababaraha Gareth Southgate”.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments