Daawo: 2-Nin oo u Dhasay Dalka Hindiya oo Maanta ku Islaamay Masjid ku Yaala Hargeysa

Waxaa maanta oo jimco ah soo islaamay 2-nin oo u dhasay Dalka Hindiya waxa ayna horay u joogeen magaalada hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Labadani nin ayaa maanta shahaadateyka loogu qabtay masjidka Cali-Mataan Ee bartamaha magaalada hargeysa waxayna labadooduba ku soo wada tukadeen masjidkaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

waxaa sidoo kale labadan nin laga bedalay magacyadoodii hore waxaana loo biriyay labadooduba Khaalid waxayna sidaa ku soo galeen diinta Islaamka, iyagoo sheegay in ay ku aad iyo aad ugu faraxsanyihiin diinta islaamka.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments