Barcelona Oo Fooda U Saaran Lasoo Wareegitaanka Cayaaryahan Clement Lenglet

Naadiga kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku dhow inay lasoo wareegto difaaca kooxda Sevilla ee Clement Lenglet kaa oo ay in mudaa ku howlaneed helitaaniisa.

25-jirkaan reer French ayaa kusii jeeda Blagurana oo ku dhow inay ka dhigto saxiixeeda koowaad ee xagaagan, ka hor Arthur oo la filayo inuu toddobaadka soo aaddan soo caga dhigto Spain.

Iyadoo si aad ah loola xiriiriyay kooxaha Manchester United iy Real Madrid, haddane waxaa hadda aad ugu dhow Barca oo ciyaaryahakan ku qancisay ku biiritaanka Camp Nou.

Mana jiro ciyaaryahan ka ciyaara difaaca dhexe kaasoo mustaqbalka dambe ay u baxsan karto Barcelona marka laga reebo Samuel Umtiti kaasoo hadda dookha koowaad ka ah safka Ernesto Valverde.

Waxayna Wararka ayaa isku qilaafsan cidda bixineyso lacagta lagu burburin karo qandaraaska laacibkan oo ah €35m, xilli wararka qaar ay sheegayaan in ciyaaryahanka qudhiisa uu bixinayo lacagta lagu nasakhi karo heshiiska uu ku joogo Ramon Sanchez Pizjuan.

Sidoo kale Barcelona ayaa diyaar la ah inay bixiyaan lacagtaas iyagoo horraan heshiis shakhsi ah la gaareen Clement Lenglet.

Facebook Comments