Inter Milan Oo Go’aamisay Mustaqbalka Cayaaryahan Mauro Icardi

Kooxda Kubadda Cagta Inter Millan ayaan heysanin dalab rasmi ah oo lagu doonayo kabtan Mauro Icardi, taasoo la micno ah inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda ka dhisan Serie A, sida uu sheegay madaxa fulinta kooxdan Alessandro Antonello.

Mauro Icardi ayaa ka caawiyay Inter inay usoo baxdo xili ciyaareedka 2018-19 tartanka Champions League kadib markii uu u dhaliyay 29 gool.

Naadiga Ka Ciyaaro Horyaalka Serie A-ga ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa in 25 jirkaan bartilmaameed xoogan ka dhiganeyso sidii ay ula soo wareegi laheyd.

Balse Tababare Jorge Sampaoli ayaa ka reebay weeraryahankaan xulka qaranka Argetina ee ka qeyb galay Koobka Adduunka ee Russia.

Inkastoo Antonello ayaa u sheegay Rai in Icardi oo ah kabtanka Inter, uu saxiixi doono qandaraas cusub oo waqti dheer ah.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments