Mohamed Salah Oo Liverpool U Kordhiyay Heshiiska Ah Sii Soogitiisa Kooxda

Cayaaryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa saxiixay qandaraas cusub oo shan sanno ah oo uu kula sii joogayo kooxda Reds.

Xidigan 26 jirkaan reer Masar ayaa ku biiray Liverpool oo bixisay lacag gaareysa 34 milyan oo gini xagaagii hore, waxaana uu dhaliyay 44 gool 52 kulan oo uu u saftay kooxda.

“Waxa ay si cad u muujineysaa arintaan inuu aaminsan yahay Liverpoool” ayuu yiri tababaraha kooxda Jurgen Klopp.

Salah ayaa ahaa gooldhaliyihii ugu sareeyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoo dhaliyay 32 gool oo horyaalka ah.

Waxana uu heshiiskan cusub dhamaan doonaa illaa sanadka 2023, laguma cadeyn qiimo lagu burburin karo.

Heshiiskaan cusub ayaa meesha ka saaraya warar xan ah oo ciyaaryahanka Masar la xiriirinayay kooxda Real Madrid.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments