Qiso Cajiib Ah Oo Dhexmartay Nin Iyo Xaaskiisa. (Akhriso)

Qisadan Cajiibka ah ayaa waxay dhexmartay Adam iyo Raquel oo ah lamaane u dhashay wadanka Mareykanka. Adam ayaa aqoonsan waayey ama garan waayey xaaskiisa xili uu hurdo ka soo kacay.

Xilli aroor ah bishii September sanadkii 2016-kii ayaa Raquel waxa ay soo gashay qolka jiifka seygeeda iyada oo raadineysa waxa ayna ku eegtay daymo cajiib ah.

Aadam ayaase ula hadlay Raquel sida qof uusan garaneynin oo kale, mana u muujinin wax kalgacayl ah, waxa uuna u muuqday qof aan garaneynin cida uu la hadlayo qofka uu yahay.

Raquel ayaa tiri, “Waxa aan ku weydiiyay ma garaneysaa halka aad ku sugan tahay? Ma garaneysa sanadka aan ku jirno?”

Waxa kale oo ay su’aalaheeda ku dartay, “Ma garaneysaa magaceyga?’ Waxa uuna ugu jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiisay, ‘Ma garanayo’.

Raquel ayaa isku dayaysay in ay u xaqiijiso marwalba Aadam in halka ay ku sugan yihiin ay tahay gurigooda, in ay tahay xaaskiisa saddex caruur ahna ay u joogaan oo ay asaga u dhashay.

Aadam ayaa markuu hadalkaasi maqlay billaabay in uu ooyo.

Aadam ayaa yiri “Waxaan kaa doonayaa in aad sharcigeyga ii keento, aaway taleefankayga iyo sharcigeyga?”

Raquel ayaa waxa ay u sheegtay Aadam in uu si deg-deg ah u labisto ayna si ay u geyso isbitaal.

Waxa ay ka murugeysneyd in uu xaalad halis ah ku sugan yahay oo maskaxdiisa wax gaareen.

Aadam ayaa labistay, waxa uuna u raacay isbitaalka xaaskiisa oo uu rumeysan yahay in ay tahay qof ku cusub.

Raquel waa ay u dabacsaneyd Aadam, sababtoo ah waxa ay ogeyd in uu maskaxda si uun uga xanuunsanayo , hadda ka horna uu xanuusaday kadib markii Aadam isku dayday in haweeynay ay disho.

Shan sano ka hor, mar uu Aadam 35 sanno jir ahaa ayuu maamule ka soo noqday qeyb ka mid ah shirkad weyn oo isgaarsiinta ah kuna taalla Mareykanka, waxa uu sidoo kale madax ka ahaan jiray kaniisad ku taalla GobolkaTexas ee dalka Mareykanka.

Kaddib markii ay kala tageen xaaskiisii hore, ayaa waxa uu billaabay xiriir cusub balse dhibaato weyn ayaa ka raacday xiriirkaas cusub ee uu sameeyey Aadam.

Gabadhii cusbeyd ee uu la haasaawaayay ayaa ku noqotay mid dhib badan, ugu dambeyntiina waxaa ay jirkiisa qeeb ka mid ah ku dhejisay koronto, iyada oo uga tagtay korontadii si uu u geeriyoodo.

Saddex jeer ayaa wadnuhu istaagay intii loo sii waday isbitaalka, balse waxa uu ku badbaadayay gargaarka deg-dega ah oo loo fidinayey, Aadam ayaa galay xaalad miirdabool ah mudo ku siman afar bilood.

Aadan oo ka sheekeeyey Qisadan ayaa yiri, “Markii aan soo miyirsaday ma garaneyn qofka aan ahay, ma garaneyn in aan xaas leeyahay oo kala tagnay labo caruur ahna ay ii joogaan, ” ayuu yiri Aadam.

Aadam Waxa uu isbitaalka ku jiray sanad, isga oo baranayey hadalka iyo socodka, balse xasuusta noloshiisii hore sooma aysan laabanin dhowr bilood ayey ku qaadatay inuu Adam dib u barto caruurtiisa.

Markii ugu horeysay aad ayey ugu adkaatay inuu eego caruurtiisa.

“Sidee ayuu aabe ilmihii uu dhalay u hilmaami karaa?” ayuu yiri Aadam.

Markii uu guriga kusoo laabtay, waxaa ka buuxay guriga sawiro uusan xasuusan Karin
Shaqadiisii hore ma uusan awoodin inuu ku laabto waxa uuna ka baqay inuu hilmaami waayo sida ay ahaan jirtay noloshiisii hore iyo sida ay u qurxooneyd xiligaas Aadam.

Waxa uuna go’aan ku gaaray inuu isaga tago magaalada nolol cuusbna uu bilowdo
Waxa uu la aaday caruurtiisa magaalo ku taalla Arizona, halkaasi oo uu kabilaabay nolol cusub iyo shaqo kale.

Sanadkii 2012 ayuu ka bilaabay barta internerka inuu kala haasaawo fariimana uga diro Raquel, oo 30 sanno jir ah, kana shaqeyneysay shirkad oo ay ka ahayd madaxa suuq geyntana.

Raquel iyo Aadam Waxa ay isku afgarteen in ay ku kulmaan magaalada Phoenix .

Ugu dambeyntii halkii ay ku balameen ayaa waxaa ugu tagay Aadam oo ku soo labistay surwaal jeenis ah iyo jaakad dharkaasi oo ahaa kuwii ay ku ballameen asaga iyo Raquel wayna wada kulmeen.

Kaddib dhowr bilood oo uu xiriirkoodu socday ayaa waxay keensadeen caruurtooda, bishii Julay 2015, waxa ayna ku aqal galeen magaalada Phoenix.

Balse waxaa meesha ka baxay dhammaan xasuusta shan sano oo ay wada noolaayeen Adam iyo Raquel.

Markii uu isbitaalka ku jiray Adam dawooyinkana uu qaadanayey waxa uu u yeeranjiray qofka keliya ee uu ku kalsoon yahay taasoo ahayd hooyadiis, waxa ayna u xaqiijisay inuu jeclaa Raquel haatana uu guursaday Raquel.

Waxay Adam iyo Raquel markale isku barteen oo ku haa saaween isbitaalkii uu ku jiri jiray iyaga oo ku kulmi jiray banaanka iyo goobaha lagu qaxweeyo.

“Way adag tahay inaa jeclaato qof markii uusan ku ogeyn cidda aa tahay jecleyna kuu muujinaynin” ayay tiri Raquel.

Caruurta Adam iyo Raquel ayaa kasoo kabsaday isbadelkii ku yimid noloshooda iyo xanuunkii lasoo darsay aabahood.

Adam haatan waxaa usoo noqday xasuusta waxyaabo badan balse xasuusta saddex sano ka hor ayuu xasuusan la’yahay , waxaana ka mid ah wax yaaba badan oo muhiim ah sida arooskoodi Raqeul.

Lammaanahan ayaa hadda mustaqbalkooda ka fakaraya Caruurtooduna waxa ay dhameysteen waxbarashada college-ka, marka waxa ay qorsheynayaan Adam iyo Raquel in ay dhigtaan Aroos Cusub.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments