Dabaal daga sanadka cusub ee Hijriga oo laga dareemayo guud ahaan dunida islaamka.

Waxaa maanta bilowday sanadka cusub ee Hijriga 1439 , sanad walba maanta oo kale waxaa ay muslimiinta u dabaal-degaan maalintii Hijrada.

Taariikhda hijriga ah waxaa laga bilaabay Hijradii nabiga( NNKH )uu ka hijrooday magaalada Makka una hijrooday magaalada Madiina oo ahayd 22 Rabiic Al awal oo waafaqsaneyd 24 September 622-miilaadiga.

Saxaabadii Nabiga waxay isku raaceen in taariikhda laga bilaabo maalintii Hijrada oo ahayd, Taariikhda waxaa qoray Saxaabiga Cumar Bin Khadaab.

Xafiiska shabakada Soomaaliweyn
Muqdisho Soomaaliya 
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments