Fataawada Xajka: Qaybta ( 4)

Tarjume: Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
======================================

Waa Loo Xajiyi karaa loona Cummraysan karaa Qof Dhintay
Su’aal (9): Ma loo cumraysan karaa qof dhintay?
Jawaab: Way banaan tahay in loo cumraysto qof dhintay, sida ay u banaan tahay in loo xajiyo , sidoo kale way banaan tahay in loo dawaafo, waxa kale oo banaan in loo sameeyo qofka dhintay camalada suuban oo dhan, Imaam Axmed (رحمه الله) ayaa yidhi: qofkii camal Ilaahay loogu dhawaado sameeya oo ajrkeeda (ثوابها) ula niyooda qof muslina oo nool ama dhintay wuu anfacayaa.
Hase ahaatee in loo duceeyo qofka dhintay ayaa ka fadli badan in loo hadyeeyo ajarka (camalka), daliilkuna waa hadalka Rasuulka صلى الله عليه وسلم :
إذا مات الإنسان انقطع عمله إلا من ثلاث : صدقة جارية ، أو علم ينتفع به ، أو ولد صالح يدعو له
(Markuu dhinto insaanku (qofku) wuu go’aa camalkiise, seddex mooyaane: Sadaqo joogto ah, ama cilmi lagu intifaacayo , ama ilmo saalixa oo u duceeya)
Xadiiska Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu tusayaa in aanu odhan ( ilme u cibaadaysta, ama u akhriya, ama u tukada, ama u cumraysta ama u sooma) iyo wixii la mida, inkastoo xadiisku ka hadlayo camalka, wuxuu ka hadlayaa camalka ku go’aya geerida.
Hadba haddii laga rabo qofka inuu camal u sameeyo aabihii iyo hooyadii wuxuu Nabigu صلى الله عليه وسلم odhan lahaa ( ilmo saalixa oo u sameeya camal), laakiin hadduu qofku sameeyo camal suuban oo u hadyeeyo ajarkiisa qof ka mida muslimiinta way banaan tahay.
********************************************************************
Sh.Ibnu Cusaymiin
Fataawaa Arkaan Al- Islaam :
Qofka qof kale u cumraysanayaa naftiisa wuu u ducayn karaa
Su’aal (10) : Haduu qof u cumraysto aabihii, ma u banaan tahay inuu naftiisana u duceeyo?
Jawaab: Way u banaan tahay inuu naftiisa u duceeyo cumradan dhexdeeda, iyo aabihii , iyo cidduu doono ee muslina, waayo ujeedadu waa inuu camalada cumrada u sameeyo cidduu ula niyooday.
Ducaduse cumarada rukni iyo shardi uma aha, kolkaa waxa banaan inuu naftiisa u duceeyo, iyo qofkuu u cumraysanayo, iyo muslimiinta oo dhan.
Sh.Ibnu Cusaymiin
Fataawaa Arkaan Al- Islaam :503
********************************************************
Ka Xarmashada Diyaarada
Su’aal (11) : Goorma ayuu ixraamanayaa xaajiga iyo muctamirka ku safraya diyaaradu?
Jawaab: Qofka ku safraya hawada ama badu, sida qofka ku safraya dhulka ayuu markuu miiqaatka ku beegan yahay ka ixraamanayaa hawada ama bada, ama wuxuu ixraamnayaa wax yar hor si uga digtoonaada dhaksaha( xawaaraha) diyaarda iyo doonida iyo markabka.
Sh.Ibnu Baaz
Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/44-45
****************************************************************
Wa la Maydhi Karaa Dharka Ixraamka
Su’aal (12): Ma banaan tahay in la bedelo dharka ixraamka, si loo maydho (dhaqo)?
Jawaab: Dhib ma laha in qofka muxrimki maydho dharka ixraamka, dhibna ma laha inuu bedelo oo isticmaalo dhar kale oo cusub ama dhar la maydhay.
Sh.Ibnu Baaz
Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/57
**********************************************************************
Isticmaalka kiniinka (dawada) Xaydka Joojisa
Su’aal (13): Ma u banaan tahay dumarka inay qaadato kiniin (dawo) dib u dhigta caaado-bileedka (xaydka), si ay u gudato faralka xajka? Wax kale oo ay samaysaa ma jiraan?
Jawaab: Dhib ma laha inay qofka dumarki qaadato kiniin manciya uurka iyo xaydka maalmaha Ramadaan si ay ula soonto dadka, iyo maalmaha xajka dhexdooda si ay ula dwaafto dadka, uagan xanibnin (cadilmin) camalada xajkla.
Haddiise la helo wax kale oon ahayn kiniinka oo joojiya xaydka wax dhiba ma laha haddii aanu jirin wax sharciya oo diiday ama aanu dhib ku keenayn.
Sh.Ibnu Baaz
Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/60-61

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@Soomaaliweyn.net

Nala Soco Qeybaha Kale ee Xajka

Facebook Comments