Fataawada Xajka: Qaybta ( 3)

Tarjume: Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
==============================

6- Qof Cumraystay Bilaha Xajka Ka Dibna u Safray Madiina

Su’aal: Qofka cumraysta bilaha xajka dhexdooda, ka dibna u safray Madiina oo ka ixraamtay Abyaa Cali, miyuu yahay mutamatic?

Jawaab: Maadaama ninkani xiligii uu cumraysatay bilaha xajka dhexdooda uu go’aansaday inuu xajiyo sanadkan, kolkaa isagu waa mutamatic, waayo safarka uu safray cumrada iyo xajka dhexdoodu ma burinayo tamatuca haddii aanu ku noqon dalkiisii, oo aanu xajka uga soo sucdaalin dhulkiisa, waayo (haddii uu dalkiisa ku noqday) cumaradii iyo xajkii mid walba wuxuu ku gaar yeelay safar gaara. Hadaba, ninkani tagay Madiina ka dib markuu gutay Cumrada oo haddana xajka ka ixraamtay Abyaar Cali, waxa ku waajiba hadyigii tamatuca (inuu gowraco) hadalka Ilaahay awgii:

فَمَنْ تَمَتَّعَ بِالْعُمْرَةِ إِلَى الْحَجِّ فَمَا اسْتَيْسَرَ مِنَ الْهَدْي

{Qofkii ku raaxaysta cumrada ilaa xajka , waxa saaran wixii fudud ee hadiyi ah}. [Suurat Al-Baqarah;196].

Sh.Ibnu Cusaymiin
Fataawaa Arkaan Islaam :530

************************************************************

7- Hadyigu Kama Dhacayo Mutamatica Hadduu U Safro Madiina

Su’aal: Dadka qaarkood ayaa cumrada guta bisha Shawaal dhexdeeda, ka dibna u safra inay siyaartaa Madiina, oo haddana xajka u guta ifraad ahaa, hadiyna aan gowricin.

Jawaab: Qofka guta cumrada Shawaal dhexdeeda ama Dilqicda dhexdeeda ama tobanka hore ee Dilxija, ka dibna xaj kaliya ka ixraamta miiqaadka Madiina, ama mid kale, ama Maka gudaheeda waxa ku waajiba hadiyga tamatuca, waana: neef adhiya, ama neef geela markaa todoba loo qaybiyo meel ahaan, ama sac marka loo qaybiyo meel ahaan oo ah waxa guda Udxiyada, waayo hadday xaalka yahay sida la sheegay xukunkiisu waa tamatuc, Ilaahayna wuxuu yidhi:

فَمَنْ تَمَتَّعَ بِالْعُمْرَةِ إِلَى الْحَجِّ فَمَا اسْتَيْسَرَ مِنَ الْهَدْي

{Qofkii ku raaxaysta cumrada ilaa xajka , waxa saaran wixii fudud ee hadiyi ah}. [Suurat Al-Baqarah;196].

Hadyiguna kaga dhici maayo safarka uu ku tagay Madiina, sida ah midka ugu saxan labada qowl ee culimda , haddiise uu ku noqdo dalkiisa oo hadana la soo noqdo xaj kaliya waxba laguma laha (hadyi laguma laha).

Sh.Ibnu Baaz

Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/104-105

****************************************************************

8- Qofka cumraysta Bilaha Xajku Hadduu u Safro Madiina Ama Jidda Wali Waa Mutamatic, Haduuna ku Noqon Dalkiisa

Su’aal: Haddii la cumraysto bilaha xajka dhexdooda oo Dilqucda ah, ka dibna laga baxo Maka lana tago Madiina oo lagu nagaado ilaa waqtiga xajka qofkaasi ma tamatuc ayaa ku waajiba , mise xor ayuu yahaynooca axjka uu niyaysanyo, n? Noo faa’iideeya Ilaahay khayr haydinka siiyee?

Jawaab: Waxa saxa in Muslinku ku sugan yahay xukunka tamatuca hadduu gutay cumrada bilaha xajka dhexdooda, ka dibna uu siyaaro u tagay Madiina oo haddana soo ixraamto xajka, qofkani waa mutamatic sida raajixa ah (saxa ah), waxana ku waajiba hadyigii tamatuca (inuu gowraco).

Sidoo kale waxa la mida hadduu tago Daa’if ama Jidda ama meel kaleba, haddii aanu ku noqon dalkiisa oo soo laaban isagoo ixraamtay xaj, qofkani waa mutamatic sidaa raajixa ah.

Haddiise uu ku noqday dadkiisa oo la soo joogo ka dibna yimaado isagoo xaj soo ixraamtay markaasi sida raajixa ah wuxuu ku sugan yahay xukunka qof kali yeelay (mufrad) xajka, sidaana kuma aha mutamatic, dushiisana ma saarna hadyi hadduu ku laabtay ehelkiisa, sida laga hayo Ibnu Cumar iyo aabihii (رضي الله عنهما) , waana qowlka ehli cilmiga.

Sh.Ibnu Baaz

Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/105

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@Soomaaliweyn.net

Nala Soco Qeybaha Kale ee Xajka

Facebook Comments