Fataawada Xajka: Qaybta (2)

Fataawada Xajka: Qaybta ( 2)

Tarjume:Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye ======================================

2- Meelaha laga Xarmado Xajka Iyo Cumrada

Su’aal : Waa maxay mawaaqiit waqtiyeed xajku?

Jawaab: Mawaaqid waqtiyeedka xajku waxay bilaabmaan bilwoga bisha Shawaal, waxyna dhamaadaan tobanka Dil-Xaja oo ah maalinta ciida, ama maalinta ugu dambaysa bisha Dil-Xuja, qowlkan ayaana raajixa (saxa), hadalka Ilaahay awgii:

الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَعْلُومَاتٌ

{Xajku waa bilo la yaqaan} [Suurat Al-Baqarah:197]

Bilo waa wadar, waxana dhaba in wadarta looga jeedo xaqiiqadeeda, waqtigan macnihiisuna waa in xajku dhacayobilahan seddexdan ah dhexdooda, laakiin maaha in maalin walba oo ka mida la samaynayo, waayo xajku wuxuu leeyahay maalmo la yaqaano. Hase yeeshee, haddaynu nidhaahno bisha dil-xija oo dhammi waa waqtiga xajka kolkaasi dawaaful ifaadaha iyo sacyiga xajka dib ayaa loo dhigi karaa ilaa maalinta ugu dambaysa bisha Dil-xijah, umana banaana xaajiga inuu intaa ka dib dhigo , iyadoo cudrdaar jiro mooyee, sida inay haweenaydu nifaasto dwaafu ifaadaha ka hor, dhiigiina ay leedahay ilaa ay dhamaatay bisha Dil-xiji. Sidaasi awgeed waxay cudurdaar u leedahay inay dib u dhigto dawaafu ifaadaha. Kuwni iyagu waa mawaaqiid waqtiyeedka xajka.

Cumraduse ma laha miiqaat waqtiyeed (waqti go’an), waxana la sameeyaa maalin walba oo ka mida maalmaha sanadka, hase ahaatee Ramadaan dhexdeeda waxay u dhigantaa xaj. Bilaha xajka dhexdooda ayuu Nabigu صلى الله عليه وسلم cumraystay cumrooyinkiisii oo dhan, Cumradii Xudaybiya waxay ahayd Dulqicda, cumardii Qaduhuna waxay ahayd Dilqicda, cumradii Jicraana waxay ahayd DilQicda, cimradiixajkuna wuxuu la jirtay xajka oo Dilqacda ayay ahayd, taasina waxay ku tusaysaa cumrada bilaha xajku leedahay fadli gaara, doorashada uu Nabigu صلى الله عليه وسلم u doortay bilahan awgeed.

Sh.Ibnu Cusaymiin
Fataawaa Arkaan Islaam :510

**********************************************************************

3- Qofka Dhaafa Miiqaadka Isagoon Ixraaman

Su’aal : Waa maxay xukunka qofka isagoo cimro doonaya dhaafa miiqaadka isagoon ixraaman?
Jawaab: Waxa wajib ku ah qofka doonaya xaj ama cumro ee soo mara miiqaadka in aanu dhaafin isagoon ixraaman, waayo Nabiga صلى الله عليه وسلم ayaa yidhi: “يهل أهل المدينة من ذي الحليفة” “Reer Madiini waa inay ka ixraamtaan Dilxulayfa” iwm, ereyga “يهل” waa khabar macnihiisu yahay amar, sidaa awgeedna waxa ku waajiba qofkii doonaya xaj ama cumro markuu soo maro miiqaadka inuu isaga ka ixraamto, oo aanu dhaafin .

Hadduu sameeyo oo dhaafana waxa ku waajiba inuu ku soo noqdo si uu uga ixraamto, haddii uu soo noqdo oo isaga ka ixraamto laguma laha fidyo, haddiise uu ka ixraamto meeshuu joogo oonu soo noqon waxa ku waajiba sida ay culimadu qabaan inuu gowraco fidyo una qaybiyo fuqarada Maka.

Sh.Ibnu Cusaymiin
Fataawaa Arkaan Islaam :510

***************************************************************
4- Magaalada Jidda Maaha Miiqaat

Su’aal : Dadba u fityooda qofka xajka u socda ee ka imanaya dhinaca hawada (diyaarad) inuu ka ixraamto Jidda, kuwo kalena way diidaan arinkaa, hadaba waa side masaladan sida saxi? Noo fityooda ajar aad ka heshaane.

Jawaab: Waxa wajib ku ah dhamaan xujaajta ku socdaalaysa hawada iyo bada iyo dhulkaba inay ka ixraamtaan miiqaatka dhulka ee ay soo marayaan ama ay kaga beegan yahihiin hawada ama bada, Nabiga صلى الله عليه وسلم hadalkiisa awgii markuu meeleeyay mawaaqiida:

هُن لهُن ولمن أتى عليهنَّ من غير أهلهنَّ ممن أراد الحج والعمرة

“Iyaga (miiqaat meeleedyada) waxa leh (ka ixraamanaya) ciddii meeshaa degan iyo ciddii soo marta een dadkeeda ahayn, ee doonaya xaj iyo cumro”. Xadiiska waa laysku waafaqay.

Jiddi iyadu miiqaat uma aha dadka socdaalaya ee waxay miiqaat u tahay dadkeeda, iyo dadka socdaal ku yimid ee markii hore doonayan xaj iyo cumro midna, ka dibna doonay inay xajiyaan oo cumraystaan iyagoo Jidda jooga.
Sh.Ibnu Baaz
Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/34.

************************************************************

5- Waa Maxay xukunka Qofka Ilaabay ee Dhaafay Miiqaadkii

Su’aal : Qofka ilaaba miiqaatka ee dhaafa ma waxa ku waajiba inuu noqdo mise kuma waajiba, ma waxbaa lagu leeyahay?

Jawaab: Waa inuu noqdo oo ka soo ixraamto miiqaadka hadduuna wali ixraamin, haddise uu ka ixraamtay miiqaadka ka dib waxa ku waajiba dhiig (fidyo uu qalo) mana noqonayo.

Sh.Ibnu Baaz
Majmuu Fataawaa Ibnu Baaz: 17/40.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@Soomaaliweyn.net

Nala Soco Qeybaha Kale ee Xajka

Facebook Comments