Fataawada Xajka Qeybta (1)

Fataawada Xajka (Qaybta 1)

Tarjume: Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan kaariye
======================================

Su’aal (1): Waa maxay mawaaqiit meeleedyada xajku?

Jawaab: Mawaaqiit meeleedyadu (المواقيت المكانية) waa shan: waana Dul Xulayfa, Al-juxfah, yalamlam, Qarnu Manaazil iyo Daatu Cirqi.

Dul Xulayfi hadaba: waa meesh iminka lagu magacaabo Abyaar Cali , waxayna u dhawdahay Madiina, Makkana waxay ka fogtahay in ku dhow toban marxaladood, iyadaana mawaaqiita ugu fogaan badan Makah, reer Madiina ayay miiqaat u tahay, iyo ciddii kale ee soo marta.

Juxfah: Iyana waa tuulo hore oo ku taala jidka ay reer Shaam u soo maraan Maka, iyada iyo Makana waxa u dhaexeeyaa in ku dhow seddex marxaladood, wayna kharibantay tuuladu, dadkuna waxay iminka ka ixraamtaan Raabiq iyada badelkeed.
Yalamlam: Waa buur ama meel ku taala jidka ay reer Yamaneed u soo maraan Maka, iminkana waxa lagu magacaabaa As-sacdiyah, iyada iyo ma makana waxa u dhexeeya ilaa laba marxaladood.

Qarnu Manaazil: Waa buur ku taala dariiqa ay reer Najdi ay usoo maraanM Maka, iminkana waxa lagu magacaabaa Sayl Al-Kabiir, iyada iyo Makana waxa u dhaxeeya ilaa laba marxaladood.

Daatu Cirqi: Iyana waa meel ku taala jidka ya reer Ciraaq u soo maraan Maka, iyada iyo Makana waxa u dhexeeya ilaa laba marxaladood.

Afarta hore ee Dul Xulayfa iyo Al-juxfah iyo yalamyam, iyo Qarnu Manaazil waxa jideeyay Nabiga صلى الله عليه وسلم , Daatu Cirqise waxa jideeyay Nabiga صلى الله عليه وسلم sida ay asxaabu sunanku ku soo weriyeen xadiiska Caa’isha رضي الله عنها , Cumarana رضي الله عنه waxa ka sugan inuu isagu u jideeyay reer Kuufa iyo reer Basra markay u yimaadeen ee ay ku yidhaahdeen : Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu u meeleeyay reer Najdi Qarni, iyaduna way ka leexsan tahay jidkayaga, markaasi ayuu cumar رضي الله عنه ku yidhi: eega meel jidkiina kaga beegan.

Calaa ayati xaal, Haddii sidaasi ka sugan tahay Rasuulka Ilaahay صلى الله عليه وسلم arinku wuu muuqdaa, haddii aanu ka sugnayna, waxa kaasi ku sugnaaday sunaha Cumar bin Al-Khadaab رضي الله عنه oo ka mida khulafada raashidiinta ee la hanuuniyay la ina amrayna raacitaankooda, isla markaa waa ka (Cumar) ay waxa uu sheegay xukunka Ilaahay caza wajalaa ku waafaqday arimo dhowra, waxana ka mida arinkan hadduu Nabigu صلى الله عليه وسلم isagu meeleeyay.

Sidoo kale waa sida waafaqsan qiyaaska, oo haddii qofku soo maro miiqaatka waxa ku waajiba inuu halkaa ka ixraamto, hadduu ku beegan yahayna wuxuu la mid yahay sidii qofka soo maraya, hadalka Cumarna رضي الله عنه faa’iido weyn ayaa ku jirta waqtigeena, waana in haddii qof Maka ku soo wajahan oo la socda diyaarad isagoo doonaya xaj ama cumro waxa ku waajiba markuu dusha kaga beegan yahay miiqaatka inuu xarmado (xidho), umana banaana inuu xarmashada dib u dhigo ilaa uu soo gaadho Jidah sida ay sameeyaan dad badani. Waayo ku beegnaanta farqi uma dhexeeyo hadday tahay dhulka ama hawada ama bada.

Sidaa awgeed ayay dadka la socda maraakiibta maraysa jid badeed ku beegan Yalamlam ama Raabiq u xarmadaan markay ku beegan yihiin labadan miiqaat.

Sh.Ibnu Cusaymiin
Fataawaa Arkaan Islaam :512.

Nala Soco Qeybaha Kale ee Xajka

Facebook Comments