Aqoon-Yahanno: Xiriirka Dowlad Goboleedyada Iyo Dalalka Dariska Ah Waxa Uu Hoos U Dhigayaa Awoodda Dowlada Dhexe

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka fadraalka ah, kaas oo dalka ka hirgalay, shuruucdiisa dhanka dastuurka ahna ay in badan wali qabyo tahay oo hirgelinteedau u baahan tahay hirgelinta Aftida dadweyne oo dastuurka cusub ee Soomaaliya ah,waxaa hadda dhisan 5 maamul goboleed oo dowladda federaalka ah hoos yimaada sida sharciga ah, waxaase marwalba soo shaac baxa khilaaf soo kala dhexgala maamuladda iyo dowladda Dhexe oo mararka qaar si cad weerar dhanka afka ah iskugu qaada.

Hadaba, dad badan ayaana aaminsan dastuurka dalka ee qabyada ah iyo faragelinta dowladaha dariska ah ee sida tooska ah xiriirka ula leh dowlad goboleedyada dalka ay sabab u yihiin wadasocod la’aanta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo mararka qaar gala heshiisyo caalami ah oo aaney ka warheyn dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Waxaa mararka qaar dhacda in dowlad goboleedyadda qaarkood ay u dhaqmaan sidii dowlad madax-banaan oo waxa ay doonaan sameysta iyaga oo ku xadgudba awoodihii dowladda dhexe, waxaa taa ka sii daran in ay mararka qaar ku dhawaaqaan iney dowladda dhexe xiriirkii u jareen, kuwo kale ayaa saxiixa heshiisyo caalami ah iyaga oo qabanaya shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda, dhaqamada noocan oo kale ah ayaan ka jirin dunida inteeda kale, kuna cusub habka siyaadda dowladaha federaalka ah ee dunida ka jira.

Aragtida Aqoon-yahanka:

Arrintan ayaan waxaan wax ka weydiinnay qaarkamid ah aqoonyahannada Soomaliyeed iyo siyaasiyiin aad xog-ogaal ugu ah xaaladdan iyo saameynta mudada fog ay ku yeelan karto wadajirka iyo nabadda guud ahaan dalka.

Abdisalaan Muuse Cosuble, oo ah macalin wax ka dhiga mid kamid ah jaamacadaha dalka, ayaa waxa uu ka hadlay xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya maamul goboleedyadda dalka dalalka dariska ah, waxa uu yiri: ’’ Xariirka udhexeya dowlad goboleyda iyo dowladaha deriskaa waa mid aad iyo aad uqota dheer markaad eegto waxaad arkaysaa inaan wax baratakool ah oo la ilaaliyaa aanuu jirin, maamul goboleyduna ayba dowladda dhexe iyo dowrka ay leedahay wax ixtiraama uhayn, balse ay aamin sanyahiin iney iyagu Super Power-ka dalka ay yahiin, hashiisyada ay rabaan ayay la galaan dowladaha ay u arkaan iney danahooda gaarka ah kahelayaan deris ha ahaato ama dowlad kale”.

Macallin Cabdisalaan ayaa hadalkiisa ku sii daray in tani ay keeni karto khatar hor leh maadama ay heshiisyada ay galaan maamulladu ay saameyneyso dalka oo dhan:

‘’Taasina waxay wiiqeysaa shaqada wasaaradda arrimaha dibada iyadoo meesha kasaarayso howlo muhiim ah iyo xariirkii arrimaha dibadda oo jaantaa rogan noqonaya oo luminaysa waxqabadkii dowladda dhexe iyo madax banaanida dalka, sidaas darteed waxaan ku talinayaa in la xadido awoodaha maamul gobolyeeda dalka laguna koobo iney ka hoos shaqeyaan wasaarada arimaha gudaha loona sameeyo anshax udiidaya iney heshiisyo dibadeed galaan, lana dhiso isku xirnaasho dalkoo oo idil ah, laakiin hadda shaqadii wasaarada arimaha iyo wasaarada arimaha gudaha waxaa isku haysta maamul goboleedyada qaabka qabaa’il usameysman waxayna wiiqeen awooddi dowlada dhexe iyo sareynti sharciga dalka u degsan’’ Ayuu hadalkiisa kusoo afjaray cabdisalaan Muuse.

Garaad yuusuf Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlanka Galmudug oo aan wax ka weydiinnay xiriirka maamul goboleedyadda iyo wadamada dariska ah ayaa sheegay inuu yahay mid aan qarsoneyn, waxaana ku tilmami karaa mid rajo beel ku ridaya inta wadajirka ummadda Somalida jecel, waa sida uu yiri xildhibaanku:

’’ Shaqadii rasmiga ahayd ee Wasaaradda Arrimada Arrimaha Dibadda ma qaban karaan iyagu, balse waxa ay ku ka cayaan ayaa ah iney hoos u dhigaan awoodda Dowlada dhexe gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, taas oo laga rabo xiriirka dibadda iyo macamiilkisa, balse arrinta muhimka ahi ay tahay in la ogaado tagitaanka ay tagayaan madaxda goballadu dadlalka dariska iyo kuwa ka sii shiyeeya in aysan wax dan ah uga jirin mamulada ay madaxda ka yihin, balse dan shaqsi ah ay raadiyaan iyo sidey u sii adkaysan lahayen booska ay haystaan”.

Aqoonyahan Cabdicasiis Maxamed Shidane oo aan arrimahan wax ka weydiinay ayaa waxa uu si kooban uga hadlay arrinta waxa uuna yiri: ’’Waxay galeen booskii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo howlihii dawladda dhaxe u yaallay, Xalku waa in la helaa xeer maamuleed qeexaya awooddooda maamuleed, xadna u dhigaya dhaqdhaqaaqyadooda”.

Dr. Ahmed Cali kheyre oo bartay qaanuunka caalamiga ah ayaa noo sheegay in dastuurka kumeel gaarka ah ee dalku uu siinayo dowladda Dhexe awoodaha arrimaha dibadda, difaaca iyo siyaasadda dhaqaale loona baahan yahay in isga loo hoggaansamo.

Aragtida Shacabka:

Mowliid Axmed oo ka mid ah ardayda wax ka barta magaalada Muqdisho ayaa yiri ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya maamulgoboleedyada dalka iyo dowladaha dariska ah, waxa uuna sheegay inaaney ahayn wax habboon:

Ma ila aha wax haboon in maamul goboleedyada ay ka talaabaan dowladda dhexe oo heshiisyo iyo xiriiro madax-banaan ay la yeeshaan dowlado kale. Arrintaas waxa ay keeneysaa in qaranimadii ay meesha ka baxdo iyo in ay iska horyimaadaan siyaasadaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada”.

Suleeqo Maxamed Xasan oo aan iyadana wax ka weydiinnay xiriirka dowlad goboleedyada dalka iyo dowladaha darisk ah ayaa tiri: “Waxaan aad ula yaabaa marka aan maqalno madaxweyne maamulgoboleed oo la leeyahay waxa uu la kulamay wasiir amaba madax ka tirsan dowaladaha dariska ah, taasi waxay Qatar ku tahay midnimada iyo nabadgalyada dalkeenna maadama dowladaha dariska ah ay dano ka leeyihiin dalkeenna”.

Shaxda Booqashada Madaxda Maamul Goboleedka Ee Itoobiya:

Waxaan halkan kusoo koobaynaa shaxda booqashada madaxweynayaasha maamulgoboleedyada qaarkood oo ay safarradoodu u badnaayeen dalalka dariska ah, waana shax aan ku tilmaamayno heerka xiriirka dowlad goboleedyada dalka iyo dowladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

 

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas & Safarradiisii Dalka Itoobiya

 

NoTaariikhdaDalkaUlajeedada Safarka
117.02.2016ItoobiyaWasirika arrimaha dibadda Itoobiya oo la kulmay Gaas, xilli uu ka biyo diidanaa nimaadka 4.5 in lagu galo doorashada
223.02.2016Itoobiya, MareykankaLa kulanka madaxda itoobiya iyo jaaliyadaha Puntland ee dibadda
318.03.2016ItoobiyaSafar aan la shaacin ula jeedadiisa
415.04.2016ItoobiyaKa qeybgalka shirar arrimaha Ganacsiga iyo Afrika la xiriira, isagoo isla 20 bishaas gaaray warshadda hubka dowladda Itoobiya!
517.08.2016ItoobiyaLa kulanka madaxda Itoobiya
615.10.2016Itoobiya La kulanka madaxda Itoobiya, iyo heshiisyo shirkado ganacsi
715.11.2016ItoobiyaUlajeeddo lagu sheegay Shirar madax iyo shirkado ganacsi.

 

 

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan & Safarradiisii Dalka Itoobiya

 

NoTaariikhdaDalkaUlajeedada Safarka
119.02.2016ItoobiyaWasirika arrimaha dibadda Itoobiya oo la kulmay Shariif, waxaa laga wadahadalay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaarahaan deegaannada Konfurgalbeed ee uu ka taliyo Shariif.
227.07.2016ItoobiyaKulan uu la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom
326.09.2016ItoobiyaWaxa uu qeyb ka ahaa madaxda maamulgoboleedyada dalka oo joogay Itoobiya
429.12.2016ItoobiyaKulan uu la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya xilli uu u taagnaa doorashada madaxweyne ee Soomaaliya

Waxaa la mid ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Guuleed oo dhowrjeer gaaray dalka Itoobiya, Madaxweyne Axmed Madoobe oo isna xiriir aad u wanaagsan la leh dalka Kenya oo halkaa xilli kasta booqashadiisu ku badan tahay.

Madaxweyah Hirshabeelle Cosoble ayaa 4, March, si cad farta ugu fiiqay wadamada darisk ah waxa uu sheegay iney hub farabadan ka qeybiyaan maamulgobleedyada qaarkood isaguna uu arrintaa indhihiisa ku arkay, waxa uu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in arrinkaa wax laga qabto maadaama ay khatar ku tahay qaranimada Soomaaliya.

Somaliland iyo Xiriirka Dowladda Itoobiya

Xiriirka Somaliland iyo dowladda Itoobiya ayaa lagu tilmaamaa mid soo bilowday xilligii jabhaddii SNM oo madaxdeeda uu ka tirsanaa madaxweyne Siilaanyo oo taageero fiican ka heshay dowladda Itoobiya iyo qaxootigii faraha badnaa ee halkaa xareeyinka qaxootiga lagu soo dhaweeyay iyadoo Labadaa qodobba ay noqdeen kuwa ugu mhiimsan xiriirka oo marka siyaasiyiinta maamulkaasi ay soo hadalqaadaan xiriirka ay ka hadlaan qodobadaa aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin isticmaalka dekedda Berbera oo Itoobiyaanku ay kala soo dagaan qalab kala duwan, is dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo maxaabiista, iyo waliba iibsiga Qaadka oo danweyn ay ku qabto dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya Itoobiya ayaa General ka tirsan ciidanka dalkeeda wakiil ugu soo dirtay Somaliland kaas oo la yiraahdo Gen . Berhe Tesfay, taas oo aan la garaneyn ulajeedada dhabta ah ee ka dambeysa, maadaama ay soo diri kareen sarkaa l ka darajo hooseeya ama qof rayid ah oo arrimaha maamulka iyo diblumaasiyadda ku takhasusay, teeda kale Somaliland oo ah maamul u doodaya goonni u goosad iney helaan, in dowladda Itoobiya ay ka furato xafiis ayaa culeyskaa leh, ayaa ah mid walwal badan ku haya dad badan oo aad ugu dhuun duleela arrimaha midnimada iyo wadjirka dalka.

Safarrada madaxda ee dowladaha dariska ah ayaa noqon kara kuwo ay transad ku marayaan amaba ay kula kulamayaan madaxda UN-ka amaba kuwa midowga Afrika, laakiin waxa is weydiinta mudani waa, xaq ma u leeyihiin iney xiriirada noocaas oo kale ah ay sameeyaan, haybaddii dalku uu lahaase maxay u dhimi kartaan.

 

 

Xafiiska Shabakada Soomaaliweyn.net
Muqdisho, Soomaaliya
info@soomaaliweyn.net
Facebook Comments