Nin Soomaali Mareykan ah oo ka bar bar dagaalayay Kooxda ISIS oo lagu dilay Suuriya

Qof Soomaali Mareykan ah oo ka bar bar dagaalamay Kooxda ISIS ee dowladda Islaamiga Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu dilay dalka Suuriya.

Telefishinka KSMP ee magaalada Minneapolis oo ah magaalo ay u badan yihiin Soomaalida ayaa wiilka magaciisa ku sheegay C/raxmaan Muxumed.

Telefishinkan ayaa sheegay in wiilkan Soomaaliga ah uu yahay qofkii labaad oo Mareykan ah oo lagu dilay Suuriya, iyadoo C/raxmaan lagu dilay goobtii uu ku dhintay nin lagu magacaabayay Douglas McCain oo 33-jir Mareykan ahaa oo isna ka tagay MinneapolisCabdiraxmaan-Muxumad

Wararka dhimasha ninkan Soomaali Maraykanka ah ayaa lagu baahiyay baraha bulsha, saraakiisha amniga Maraykankuna waxay sheegayaan inay wararkaasi arkeen, balse aanayn xaqiijin karin wali inuu run yahay iyo in kale.

Ilaa tobaneeyo Soomaali Mareykan ah ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen Kooxda ISIS tan iyo horaantii sanadkan.

Cabdiraxmaan Muxumad

Dhowaan ayay aheyd markii Wiil uu adeer u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon la soo wariyay inuu ku dhintay dagaalada Suuriya, kaasoo ka yimid dalka Canada.

Xafiiska Shabakada Soomaaliweyn.net
Muqdisho, Soomaaliya
webmaster@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments