Al Shabaab oo sheegtay inay jiraan beelo badan oo Soomaali Yahuudi ah, dhaqankoodiina leh

Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee Dacwada, ayaa waxa uu sheegay inay jiraan beelo badan oo Soomaali ah, hadana asal ahaan ka soo jeeda Yahuuda.

Sheekh Xasan Maxamuud Takar, ayaa ku waramaaya in dadka Yahuuda ah ay dunida ka deggeen meelo badan, isla-markaana ay ka mid tahay Soomaaliya, oo ay si weyn u deggeen, sida uu sheegay.nimetön

Sheekh Xasan Maxamuud, ayaa wuxuu kaloo sheegay inay jiraan beelo badan oo Soomaali ah oo la garanaayo, kuwaa oo sida uu sheegay asal ahaan ka soo jeeda Yahuuda, isla-markaana ay is qarinayaan qaarkood, iyagoo Muslimiin ah.

Sarkaalkaan Shabaabka ka tirsan oo la hadlaayay Radio Alfurqaan, ayaan faah faahin badan ka bixin, marka laga soo taggo inay jiraan dad badan oo Soomaali ah, oo asalkoodu yihiin Israa’iiliyiin.

Dhanka kale Sheekh Xasan Takar, ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu yahay halka ay sida weyn leh u degto Yahuuda, ayna jiraan beelo ku nasab-sheegta Itoobiya, oo dhinaca kalana ah Yahuud.

Waxa uu intaa ku daray in taariikh ahaan ay xuseyso in Yahuudi, ay ebid si weyn u jecleyd dhulka Geeska Afrika, wuxuuna ku macneeyay Geeska Afrika oo dhul barwaaqo badan ah.

Sheekh Takar, ayaa sheegaaya in muddo fog ka hor Maamulka Yahuuda loogu baaqay inay deggaan dalalka Somaliya iyo Uganda, balse ay ka door bideen in la dejiyo Bariga Dhexe, oo ay ku sheegeen inay taariikh ahaan u lee yihiin.

Xafiiska Shabakada Soomaaliweyn.net
Muqdisho, Soomaaliya
webmaster@soomaaliweyn.net
Facebook Comments