Muslimiinta Shiinaha ee gobolka Shing-giyan oo loo diidey in ay soomaan

Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday in laga soomo gobolka Xinjiang, gobolkaas oo dadka ku nooli ay u badan yihiin muslimiinta ku abtirsada qomiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay.

Maamulka gobolka Xinjiang ayaa amar ku bixiyey in aysan soomi karin shaqaalaha dowladda, ardayda, macallimiinta iyo xubnaha ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee talada dalka Shiinaha haya.

Dowladda Shiinaha ayaa go’aankan ku sifeysay in uu yahay mid loogu turayo caafimaadka dadka, maadaama soonku uu yareynayo shaqada iyo wax-soo-saarka qofka, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhanka kale, dadka muslimka ah ee gobolka Xinjiang ku nool ayaa arrintan ku tilmaamay xad-gudub iyo xorriyad la’aan Muslimiinta lagu ridayo si aanay u gudan waajibaadkooda diiniga ah.

Qowmiyadda Uighur oo asalkeedu uu Turkish yahay, kana mid ah 56 qowmiyadood oo Shiinaha ku nool, waa dad Muslimiin u badan, waxayna deegaan ahaan ku xooggan yihiin gobolka Xinjiang.

Dowladda Shiinaha ayaa Uighurka ku eedeysey weerarro argagaxiso oo horay dalkaas uga dhacay, haseyeeshee iyagu waxay si joogto uga cawdaan in aan la siin saamiga ay ku leeyihiin khayraadka dalka, ka qaybgalka siyaasadana aan loo oggoleyn.

Xafiiska Shabakada Soomaaliweyn.net
Muqdisho,Soomaaliya
webmaster@soomaaliweyn.net
Facebook Comments