Daawo: Masiixiyiinta Jam. Afrikada Dhexe Oo Qardhaaso Iyo Sixir U Soo Xidhay Dagaalka Muslimiinta

Dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe oo muddooyinkii u danbeeyay qalalaase siyaasadeed iyo colaad diimeed ka socotay, Dadka ku dhaqan dalkaasina ay ugu kala qaybsameen Muslimiin iyo Kiristaan ayaa xafiiltanka iyo loolanka adag ee ka dhexeeya awgeed, waxa ay labada qoomiyadood samaysteen jabhado u gaar ah oo lagu kala magacaabo, Silika oo Muslimiintu leeyihiin iyo Blaka oo iyaduna ah maleeshiyo Kiristaanku samaysteen.
Arrinta xiisaha badan ee warbaahintu diirada saartay ayaa ah, qardhaaso iyo waxyaabo sixir lagu soo sameeyay, oo jabhada kiristaanka dalkaas ee Balaka soo xidheen, kuwaas oo ay ku doodayaan in ay ka celinayaan rasaasta iyo hubka muslimiintu kula dagaalamayaan.

Boqolaal dhalinyaro kiristaan ah oo jidadka xaafadaha dadka Masiixiyiintu degaan marba dhan iyagoo raxan raxan ah u dhex, hadaafayay ayaa nidar ku maray inay muslimiin badan layn doonaan oo birta ka asli doonaan, waxaanay kooxahan dhalinyarada iyo waayeelka labadaba isugu jiraa, ay soo xidheen qardhaaso iyo qalab kala duwan oo ay sixir ku soo akhriyeen, kuwaas oo difaac ama Plot-Prof uga noqon doona rasaasta sida ay ku doodayaan.

 

 Halkan Guji Oo Daawo

Xafiiska Shabakada Soomaaliweyn.net
Muqdisho,Soomaaliya
webmaster@soomaaliweyn.net
Facebook Comments